Wayne Rooney: Arsenal Ma Haysato Xiddigo Heer Caalami Ah Laakiin….

Weeraryahankii hore ee Manchester United, Wayne Rooney, ayaa sheegay in Arsenal aysan lahayn ciyaaryahanno si dhab ah u ah heer caalami (world-class) oo ku jira kooxdooda.

Si kastaba ha ahaatee, Rooney weli wuxuu aaminsan yahay in Arsenal ay ku guuleysan karto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa hadda afar dhibcood ka sarreysa Manchester City, iyadoo ay harsan yihiin 12 kulan.

Rooney wuxuu ku yiri barnaamijka The Overlap:

“Arsenal ma laha ciyaaryahan si buuxda u ah world-class, xiddig weyn oo ay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin. Laakiin waxa aan aragnay waa inay yaqaannaan sida kulamada loo guuleysto.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Dabcan, Manchester City weli way ku guuleysan kartaa horyaalka. Weli waxaa harsan saddex meelood meel xilli ciyaareedka, sidaas darteed wax walba way dhici karaan. Laakiin anigu waxaan u maleynayaa in Arsenal ay qaadi doonto horyaalka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga