Pep Guardiola Oo Fariin U Diray Arsenal Kadib Bar-Barihii Brentford.

Pep Guardiola ayaa ku adkaystay inuu doorbidi lahaa in Manchester City ay ku jirto booska ay Arsenal kaga jirto kala sarreynta horyaalka Premier League.

City ayaa sii waday cadaadiska ay saarayaan Arsenal kaddib markii ay 3-0 ku garaaceen Fulham kulan ay ku ciyaareen garoonkooda toddobaadkan, halka kooxda Mikel Arteta ay barbaro 1-1 ah la gashay Brentford.

Natiijada barbaraha ah waxay weli ka dhigaysaa Arsenal inay hoggaanka horyaalka Premier League hayaan, balse farqiga dhibcaha ayaa hadda noqday afar dhibcood oo keliya.

Kooxda Arteta ayaa guulo ka gaartay kaliya laba kulan lixdii kulan ee ugu dambeysay ee Premier League, waxaana la bilaabay shaki ku saabsan in Gunners ay awoodi karaan inay xajistaan xawaaraha tartanka ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka.

Guardiola ayaa ku adkaystay in Arsenal aysan “iska nasan” ama dabacsanaan muujin, balse wuxuu aaminsan yahay in Arteta iyo kooxdiisu ay weli leeyihiin faa’iidada hoggaanka.

Guardiola ayaa yiri, “Waxaan doorbidi lahaa inaan ku jiro booska ay Arsenal hadda ku jirto halkii aan ku jiri lahaa booskeenna.”.

“Haddii aan ahaan lahaa booska ay ku jiraan, anigoo afar dhibcood ka horreeya kooxda kaalinta labaad, iyadoo ay harsan yihiin 12 kulan, man nasan lahayn Ka warran marka aad afar dhibcood ka dambeyso? anigu haatan xitaa ma nasanayo.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga