Chelsea, Man United Vs Liverpool? Kulamada U Hadhay Kooxaha Ku Tartamaya Booska Loogu Soo Baxayo Champions League.

Xilli Tartanka ku guulaysiga premier League uu meel xiiso leh maraya waxa sidoo kale meel xiiso leh maraya tartanka loogu soo baxayo champions League xilli ciyaareedka.

Kooxaha Man United, Chelsea Iyo Liverpool ayaa si xoogan ugu tartamaya booska loogu soo baxayo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Man United ayaa Hadda ku jirta kaalinta 4-aad iyaga oo leh 45 dhibcood halka ay Chelsea ku xigto iyaga oo leh 44 dhibcood iyagaoo ku jira kaalinta 5-aad

Liverpool ayaan ka fogayn waxana ay ku jirtaa kaalinta 6-aad iyaga oo leh 42 dhibcood ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Waxa ay u badantahay in ay 3-daas kooxood ku tartami doonaan booska loogu soo baxayo champions League.

Hadaba sawirkan hoose waxa aan ku soo bandhigi doonaa kulamada u hadhay 3-da kooxood ee ku tartamaya booska champions League.

Image

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga