XASAASI: Thomas Tuchel Oo Dhabarka Ka Jabiyay Man United.

Thomas Tuchel ayaa saxiixi doona heshiis cusub oo laba sano ah, wuxuuna sii joogi doonaa shaqada ilaa kadib tartanka Euro 2028 – kadib markii uu shaqada xulka England ku tilmaamay mid “aad u xiiso badan.”

Tuchel ayaa muujiyay inuu ku faraxsan yahay hoggaaminta xulka England, taasoo sababtay inuu go’aansado inuu sii wado xilka muddo dheer.

Xiriirka Kubadda Cagta England (FA) ayaa la filayaa inuu xaqiijiyo qorshahan ka hor isku aadka Nations League ee maanta ka dhacaya magaalada Brussels, iyadoo Tuchel uu joogi doono Belgium.

Tuchel, oo xilka la wareegay bishii Janaayo 2025, ayaa oggolaaday heshiis laba sano ah oo sii haynaya shaqada ilaa kadib Koobka Adduunka xagaagan, wuxuuna sidoo kale hoggaamin doonaa xulka England tartanka Euro-ga lagu qaban doono dalka England.

Tani waa guul weyn oo uu gaaray Xiriirka Kubadda Cagta England (FA), maadaama ay jireen xiisooyin xooggan oo loo qabay Tuchel – oo ay ku jirto Manchester United – balse xaqiiqadu waxay tahay in tababaraha Jarmalka ah uu xitaa isagu la yaabay inta uu le’eg yahay sida uu ugu raaxaysanayo shaqadan.

Tuchel ayaa si weyn ula qabsaday xilka, taasoo ka dhigtay inuu doorto sii joogista halkii uu ka aqbali lahaa dalabyo kale.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah Man United oo bartilmaameedka 1-aad ka dhigtay Tuchel si ay ugu badalaan tababaraha haatan ee ku meel gaadhka ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga