Muxuu Mikel Arteta Ka Yidhi Guushii Man City Ka Gaadhay Liverpool.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay guushii ay Man City ka gaadhay Liverpool bilowgii todobaadka.

Man City ayaa 6 dhibcood ku soo celisay farqiga dhibcaha ay ka dambaysay Arsenal kadib markii ay ka badisay Liverpool.

Tababare Arteta ayaa wax laga waydiiyay guushii ay Man City ka gaadhay kooxda Liverpool isla markaas ugu sii jireen tartanka premier League.

Taageerayaal badan oo Arsenal ah ayaa rajaynayay in ay Liverpool badiso si ay u sii dheeraystaan hogaanka premier League.

Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi:“Waan fahamsanahay niyad-jabka ka dhashay guushii Manchester City ay ka gaartay Liverpool, balse arrimahaas waa wax ka baxsan gacanteenna. Waa inaan diiradda saarno oo keliya nafteena.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga