Barcelona Oo Xaqiijisay Dhaawac Soo Gaadhay Marcus Rashford.

Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday in ciyaaryahankeeda Marcus Rashford uu dhaawac ka soo gaaray jilibka bidix, taasoo ka hor istaageysa inuu ka qeyb galo kulanka Atlético Madrid ee lugta hore ee wareegga afar-dhamaadka Copa del Rey.

Naadigu wuxuu ku sheegay boggiisa rasmiga ah in Rashford uu dareemayo xanuun jilibka bidix ah kaddib jug ku soo gaartay kulankii Mallorca ee Sabtidii ka dhacay garoonka Spotify Camp Nou, isagoo xaqiijiyay inuu maqnaan doono kulanka Khamiista ee ay la ciyaarayaan Atlético Madrid.

Kooxda koowaad ee Barcelona ayaa Arbacadii ku qaadatay tababarkeedii ugu dambeeyay xarunta tababarka ka hor inta aysan u safrin Madrid, si ay isugu diyaariyaan kulanka lugta hore ee semi-final Copa del Rey.

Tababarka waxaa ka maqnaa Marcus Rashford iyo Raphinha, halka ciyaartoyda kale ee diyaarsan ay ka qeyb galeen tababarka oo uu hoggaaminayay tababaraha kooxda Hansi Flick.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga