Kooxda Arsenal ayaa ogolaatay in ay kooxda Marseille ka iibiso xiddiga Ethan Nwaneri isaga oo amaah ugu biiraya inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Xiddiga 18-jirka ah ayaa helay ka-qaybgal xaddidan oo kooxda koowaad ah xilli-ciyaareedkan, isagoo wax kulan ah ku bilaaban Premier League, islamarkaana ciyaaray kaliya 166 daqiiqo.
Arsenal ayaa horay u qorsheysay inay Nwaneri ku sii hayso kooxda xilli-ciyaareedkan, iyadoo Mikel Arteta uu doonayay inuu helo koox sida ugu xooggan ee suurtagalka ah maadaama Gunners ay weli ku tartamayaan dhammaan afarta tartan.
Si kastaba ha ahaatee, go’aankaas ayaa is beddelay, waxaana hadda la isla oggolaaday amaah uu ciyaaryahanku ku tagayo illaa dhammaadka xilli-ciyaareedka.
Heshiiska kuma jiro ikhtiyaar lagu dhammayn karo si joogto ah marka xilli-ciyaareedku dhamaado.
Be the first to comment