Xulalka Ugu Guulaysiga Badan Koobka Africa Oo La Soo Saaray.

Xulka Senegal ayaa Axaddii loo caleemo saaray horyaalka Afrika, kaddib markii ay ka adkaadeen Morocco ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Qaramada Afrika (AFCON).

Xiddiga Senegal Pape Gueye ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta, kaas oo yimid qeybtii hore ee waqtiga dheeriga ah, taasoo xaqiijisay in Teranga Lions ay ka adkaadaan dalka martida loo ahaa ee AFCON.

Xulka Masar, oo ku guuldarreystay ciyaartii kaalinta saddexaad ee AFCON kaddib markii ay guuldaro kala kulmeen xulka Nigeria ayaa ah dalka ugu guulaha badan taariikhda tartanka, iyagoo ku guuleystay 7 jeer.

Kadib Masar waxaa ku xiga Cameroon, oo leh 5 horyaal oo AFCON ah.

Halkan hoose ka eeg liiska dalalka ku guuleystay horyaalka AFCON ee ugu badan, kaddib guushii Senegal ay ka gaartay Morocco:

  1. Masar – 7 horyaal

  2. Cameroon – 5 horyaal

  3. Ghana – 4 horyaal

  4. Ivory Coast iyo Nigeria – 3 horyaal

  5. Algeria, DR Congo, iyo Senegal – 2 horyaal

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga