Xulka Senegal ayaa ku guulaystay Koobka Africa kadib markii ay ka badiyeen xulka marti galiyay tartanka ee Morocco.
Ciyaarta ayaa ahayd mid xiiso waali ah leh iyada oo labada xulba dadaal ugu jireen Sidii ay u badin lahaayeen.
Xulka Senegal ayaa daqiiqadii 94-aad dhaliyay goolka iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Pape Gueye kaas oo Hogaanka u dhiibay xulkiisa.
Goolkaas ayaa Kaga filnaaday xulka Senegal in ay ku guulaystaan koobka.
Laakiin arinta la yaabka leh ayaa ah in xulka Senegal dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee final Koobka Africa Taariikhdooda.
Xulka Senegal ayaa Ciyaaray finalkii 4-aad ee Taariikhdooda iyaga oo Laba ku Guulaystay labana lagaga guulaystay.
Senegal ayaan wax Gool ah dhalin 3-dii hore ee final Koobka Africa maadama ay dhamaantood ku dhamaadeen 0/0 Laguna kala baxay rikoodhayaal.
Be the first to comment