Maxay Ahayd Sababtii Ay Xiddigaha Xulka Senegal Uga Baxeen Final Koobka Africa.

Tababaraha xulka qaranka Senegal ayaa go’aansaday in uu ciyaarta ka baxo intii ay socotay kulanka kama dambaysta ah ee Koobka Qaramada Afrika ee ay la ciyaarayeen Morocco, isagoo ka cabanaya go’aanka garsooraha ee ahaa in rigoore loo dhigo Morocco daqiiqaddii 90+7aad.

Rigoorada ayaa timid kaddib markii Garsooraha Kaaliyaha Fiidiyowga (VAR) uu dib u eegis sameeyay, kuna tilmaamay in qalad lagu galay gudaha xerada ganaaxa Senegal, kaas oo uu ku faa’iidaystay ciyaaryahanka Morocco ee Ibrahim Diaz.

Markii rigoorada la bixiyay, tababaraha Senegal ayaa ka codsaday ciyaartoydiisa inay ka baxaan ciyaarta, si uu uga muujiyo diidmo go’aan loo arkay mid aad u xasaasi ah xilli ciyaartu mareysay meel xasaasi ah.

Kabtanka Senegal Sadio Mané ayaa isku dayay inuu dejiyo xaaladda, isagoo si degdeg ah u aaday qolka labiska xulka Senegal si uu ugu yeero ciyaartoyda una ku qanciyo inay ku soo laabtaan garoonka si loo dhammaystiro daqiiqadaha ugu dambeeya ee ciyaarta.

Ciyaartoyda Senegal ayaa ku soo laabtay garoonka ka hor inta uusan Ibrahim Diaz tuurin rigoorada, taas oo uu si la yaab leh u seegay kaddib markii uu u tuuray qaab “Panenka”, halkaas oo goolhayaha Edouard Mendy uu si fudud u badbaadiyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga