Tonali -> Chelsea, Rodri -> Real Madrid, Vlahovic -> Barcelona Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa ay maalmo yar inaga xigaan furitaanka suuqa January iyada oo kooxaha kala duwan isku diyaarinayaan in ay xoojiyaan kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Xiddigo badan oo kala duwan ayaa sidoo kale isku dayi doona in ay ku biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Hadaba waxa aan halkan ugu soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga adiga oo si joogto ah maalin walba ugala socon doona kooxda.com.

Chelsea waxay si dhow ula socdaan khadka dhexe ee Newcastle United, Sandro Tonali, iyagoo qorshaynaya inay sameeyaan dalab xoogan oo ay ku doonayaan saxiixiisa suuqa January (Football Insider).

Real Madrid waxay sii wadaan inay la socdaan khadka dhexe ee Spain, Rodri, balse ma sameyn doonaan dalab ilaa xagaaga, markaas oo 29-jirkan uu galayo sannadkiisii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Manchester City (Marca).

Chelsea waxay diyaarinayaan dalab gaaraya 150 milyan oo euro si ay ula soo wareegaan khadka dhexe ee England iyo Aston Villa, Morgan Rogers, oo 23 jir ah (Fichajes).

Aston Villa waxay xiiseynayaan garabka xulka Masar, Omar Marmoush, oo 26 jir ah, kaasoo la dhibtoonaya inuu helo waqti ciyaareed joogto ah Manchester City (Teamtalk).

Barcelona ayaa hoggaaminaya tartanka loogu jiro weeraryahanka Juventus, Dusan Vlahovic, kaasoo qandaraaskiisu dhammaanayo xagaaga, halka AC Milan iyo Bayern Munich ay sidoo kale si dhow ula socdaan xaaladda 25-jirkan xulka Serbia (La Gazzetta dello Sport).

Liverpool ayaa ku biiray Manchester United iyo Tottenham tartanka loogu jiro saxiixa khadka dhexe ee Brighton, Carlos Baleba, oo 22 jir ah kana tirsan xulka Cameroon (CaughtOffside).

Kooxda Liverpool ayaa suuqa January doonaysa saxiixa daafaca kooxda Newcastle ee Sven Botman (Chronicle).

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara Real Madrid ee Rodrygo ayaa doonaya in uu isaga tago Kooxda isaga oo xiiso ka helaya kooxaha Arsenal, Liverpool Iyo Man City (AS).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga