Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa ka walwalsan xaaladda taam ahaanshaha Florian Wirtz iyadoo Reds-ku isu diyaarinayaan booqashada Fulham premier League.
Liverpool nasiib ayay ku heleen inay dhibic la baxaan kulankii ay Khamiistii ku martigeliyeen Leeds, kaddib markii goolkii guusha ee daqiiqadihii dambe uu dhaliyay Dominic Calvert-Lewin laga diiday offside.
Wirtz ayaa ciyaarta ku bilaabay garabka bidix ee Anfield, balse waxaa la beddelay wax yar kaddib marka ay ciyaartu dhaafto saacadda, waxaana hadalkii uu bixiyay dhammaadka kulanka Slot ku sheegay in ciyaaryahanka Jarmalka uu ku ciyaarayay dhaawac yar oo muruqa bowdada ah.
Xiddiga Cody Gakpo ayaa ku soo laabtay shaxda kadib dhaawac uu ku seegay kulamadii ugu dambeeyay ee kooxda.
Shaxda Ay Liverpool kaga hor tagi karto Fulham:
Alisson; Bradley, Konate, Van Dijk, Kerkez; Gravenberch, Jones; Szoboszlai, Mac Allister, Gakpo; Ekitike
Be the first to comment