Trent -> Man United, Salah -> Roma Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa ay maalmo yar inaga xigaan furitaanka suuqa January iyada oo kooxaha kala duwan isku diyaarinayaan in ay xoojiyaan kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Xiddigo badan oo kala duwan ayaa sidoo kale isku dayi doona in ay ku biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Hadaba waxa aan halkan ugu soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga adiga oo si joogto ah maalin walba ugala socon doona kooxda.com.

Xiddiga kooxda Man City ee Nathan Ake ayaa iska diiday ku biirista West Ham iyada oo City diyaar u ah in ay iibiso xiddiga (TalkSport).

Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay amaah ku qaadato xiddiga garabka uga ciyaara Liverpool ee Federico Chiesa laakiin Reds ayaan ogolaan doonin in ay fasaxdo xiddiga (Liverpool Echo).

Kooxda Liverpool ayaa ku dhaw saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Club Bruge ee Joel Ordonez (X).

Kooxda Man United ayaa diyaarinaysa dalab dhan 40 milyan oo euro kaas oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Real Madrid ee Trent Alexander-Arnold (Fichajes).

Kooxda Barcelona ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Atletico Madrid ee Julián Álvarez (Sport).

Kooxda Liverpool ayaa dib u dhigaysa saxiixa daafaca Crystal Palace ee Marc Guehi ilaa xagaaga dambe (AS).

Kooxda AS Roma ayaa doonaysa in ay suuqa January u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah (Sky Italy).

Kooxda Juventus ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Newcastle Sandro Tonali (La Gazzetta dello Sport).

Kooxda Man City ayaa ku kalsoon in ay Man United ku garaaci doonto saxiixa xiddiga kooxda Nottingham Forest ee Elliot Anderson (Teamtalk).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga