Manchester United mar kale ma heli doonto Bruno Fernandes kulanka ay la ciyaarayso Wolves, inkasta oo kabtanka kooxda uu codsaday in uu tababarka ku soo laabto ka hor waqtigii loo qorsheeyay.
Fernandes weli waxa uu maqanyahay sababo la xiriira dhaawac muruqa bowdada, isagoo seegay guushii ay ka gaareen Newcastle toddobaadkii hore, balse waxa uu codsaday in uu ku soo laabto tababarka hal toddobaad kaddib markii uu dhaawaca soo gaaray.
Isla afarta ciyaaryahan ee seegay guushii maalinta Boxing Day-ga ayaa sidoo kale ka maqnaan doona kulanka ay booqanayaan Wolves oo ku jira kaalinta ugu hooseysa horyaalka, halka ay jiraan walaac ku saabsan in Mason Mount uusan taam ahayn kaddib markii uu ka cawday in uu dareemay xanuun muruqa ah.
Man United waxa sidoo kale ka maqnaan doona Noussair Mazraoui, Amad Diallo iyo Bryan Mbeumo sababo la xiriira tartanka socda ee Koobka Qaramada Afrika (AFCON).
Shaxda Ay Man United kaga hor tagi karto Wolves:
Lammens; Yoro, Heaven, Shaw; Dalot, Ugarte, Casemiro, Martinez, Dorgu; Cunha, Sesko
Be the first to comment