Carragher Oo Magacaabay Laba Xiddig Oo Man CityU Ciyaara Oo Dhaawici Kara Arsenal Tartanka Premier League.

Kabtankii hore ee Liverpool, Jamie Carragher, ayaa sheegay in soo kabashada Phil Foden ee Manchester City ay tahay arrin ay Arsenal ka walwali karto marka la eego tartanka horyaalka Premier League.

Foden sanadkii hore ayuu qaab ciyaareedkiisu hoos u dhacay taasoo qayb ka ahayd sababta Man City u lumisay premier League xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin khadka dhexe ee England ayaa todobaadyadii u dambeeyay muujinaya heerkiisii ugu sarreeyay, wuxuuna dhaliyay shaan gool saddexdiisii ciyaarood ee ugu dambeeyay.

City ayaa 3-0 kaga badisay Sunderland bilowgii todobaadkan taas oo ka caawisay in ay soo yarayso farqiga dhibcaha ay ka dambayso hogaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal.

Carragher ayaa Monday Night Football u sheegay:
“Haddii uu (Foden) sii wato heerkii uu ku jiray markii loo doortay Cayaaryahanka Sanadka laba sano ka hor, aniga oo ah taageere Arsenal ah runtii waan ka walwali lahaa marka laga hadlayo tartanka horyaalka.”

“Haaland mararka qaar waxaan xusnay in City xilli-ciyaareedkan u muuqato koox ku tiirsan hal ciyaaryahan. Laakiin Haaland waa Haaland. Kaligiis ma qaban karo.”

“Haddii Man City doonayso inay horyaalka qaado, waxay u baahan doonaan goolal ka yimaada qeybaha kale ee kooxda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga