Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa ku boorriyey ciyaartoydiisa in ay nasdaan oo ay soo ceshadaan tamartooda ka hor kulanka Premier League ee ay Arsenal la yeelan doonaan Todobaadka dambe.
Chelsea ayaa Axadda ku martigelin doonta Arsenal garoonka Stamford Bridge, iyagoo kasoo baxay guul 3-0 ah oo ay ka gaareen Barcelona tartanka UEFA Champions League habeenkii Talaadada.
Isagoo ka hadlay kadib guushii Blues ay ka gaareen Barcelona, Maresca waxa uu sidoo kale shaaciyay inuu ciyaartoydiisa faray inay si buuxda ugu nastaan kulanka soo socda.
“Waxaan ciyaartoyda u sheegay, 48-ka saac ee soo socda, gabi ahaanba ha nastaan”ayuu yidhi Maresca.
“Sababta oo ah Axadda waxaan la ciyaaraynaa kooxda Arsenal
Farriintaydii ciyaarta kadib waxay ahayd keliya: soo ceshada tamarta. Taas ayaa waqtigan ah tan ugu muhiimsan.
“Markaas, Jimcaha ayaan bilaabi doonaa inaan ka fikirno Arsenal. Waxaan u baahanahay inaan sii wadno xawaaraha wanaagsan sababtoo ah waa wax fiican, sidoo kalena way fududahay in tamar la soo ceshado markaad ciyaaraha badiso,” ayuu Maresca ku yiri wareysigiisii ciyaarta kadib”.
Be the first to comment