Roberto Sanchez: Cucurella Jeebka Ayuu Gashaday Yamal, Halkan Koox Ayaana Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League.

Goolhayaha Chelsea, Robert Sanchez, ayaa iska indha-tiray Barcelona isaga oo sheegay in Blues ay yihiin kuwa ugu cadcad ku guuleysiga UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.

Sanchez ayaa hadlay kaddib markii Chelsea ay 3-0 uga badisay Barcelona ciyaar ka tirsan Champions League oo ka dhacday garoonka Stamford Bridge habeenkii Salaasada.

Isagoo la hadlayay El Chiringuito TV ciyaarta kadib, Sanchez waxa uu sidoo kale ku adkaystay in saaxiibkiis Marc Cucurella uu gebi ahaanba xakameeyay garabka Barcelona ee Lamine Yamal intii ay ciyaartu socotay.

“Barcelona ma aha kuwa ugu cadcad inay Champions League ku guuleystaan? Maya, annagaa is aragna kuwa ugu cadcad,” ayuu yiri Sanchez.

“Cucurella wuxuu jeebka ku ritay Lamine Yamal,” ayuu ku daray.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga