Tababaraha kooxda Liverpool, Arne Slot, ayaa sheegay hadal walaac leh oo ku saabsan tartanka horyaalka Premier League kaddib markii kooxdiisu guuldaro 3/0 ah kala kulantay Man City.
Kooxda Reds waxay fursad u haysatay inay u dhaqaaqdo kaalinta labaad haddii ay guul ka gaadhaan kooxda Pep Guardiola balse guuldarradaas ayaa ka tagtay iyagoo ku jira kaalinta siddeedaad ee kala sarreynta horyaalka.
Liverpool oo ku guuleysatay horyaalka xilli ciyaareedkii hore, ayaa loo arkayay inay mar kale yihiin kuwa ugu cadcad hanashada horyaalka xilli ciyaareedkan, gaar ahaan kadib markii kooxda Slot ay ku bilowday shan guulood oo xiriir ah.
Hase yeeshee, hoos u dhac lama filaan ah ayaa sababay in Liverpool ay hal kulan kaliya guuleysato lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League, iyadoo haatan kooxda difaacanaysa horyaalka ay siddeed dhibcood ka hooseyso hoggaamiyayaasha Arsenal.
Isagoo hadlay kadib guuldarradii ay kala kulmeen Manchester City, Slot ayaa yiri: “Waxa ugu dambeeya ee aan hadda ka hadli karo waa tartanka horyaalka. Waa inaan diiradda saarnaa sidii aan natiijooyin u heli lahayn.”
“Guul kaddib guul kaddib guul, ka hor inta aynaan xitaa ka fikirin arrintaas. Xaqiiqdu waxay tahay inaan hadda ku jirno kaalinta siddeedaad. Hal koox ayaa si weyn uga horeysa, inkasta oo City ay haatan afar dhibcood naga jiraan”
“Waxaan iri xilli ciyaareedkii hore, waqtiyo badan, habka ugu wanaagsan ee lagu qiimeeyo kala sarreynta waa marka la ciyaaro 38 kulan. Habka labaad ee ugu fiican waa in la eego marka la gaaro 19 kulan. Shayga ugu dambeeya ee aan diiradda saari karno waa tartanka horyaalka. Waa inaan hagaajinnaa, taasna waa wax iska cad.”
Be the first to comment