Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa shaki weyn ka muujiyay helitaanka Mateo Kovacic ee kulamada soo socda ee ay la ciyaarayaan Borussia Dortmund iyo Liverpool.
Kovacic ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxda koowaad bishii October, kaddib markii uu dhameystay soo kabashadii qalliinka uu ku sameeyay muruqa dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore, taasoo dib u dhigtay bilowgiisa xilli ciyaareedka 2025–26.
Ciyaaryahanka caalamiga ah ee Croatia ayaa ka qayb qaatay kulamadii Premier League ee Manchester City ee ka dhanka ahaa Everton iyo Aston Villa bishii hore, iyadoo Guardiola iyo shaqaalihiisa farsamada ay si tartiib ah ugu soo celinayeen garoomada kaddib dhaawac muddo dheer ah.
Kovacic ma uusan safrin toddobaadkii hore markii Manchester City ay 3-1 kaga adkaatay Swansea City kulankii wareegga afraad ee Carabao Cup-ka, kaas oo ka dhacay Wales.
Guardiola ayaa shaki weyn ka qabay diyaar ahaanshaha Kovacic kulankii ay Manchester City la ciyaareen Bournemouth, maalmo ka hor guushii muhiimka ahayd ee 3-1 ay Axaddii ka gaareen kooxda Cherries oo xilli ciyaareedkan si weyn u ciyaareysa. Laba gool oo uu dhaliyay Erling Haaland iyo mid kale oo uu dhaliyay Nico O’Reilly ayaa ka caawiyay City inay dib ugu soo laabtaan wadadii guusha ee Premier League.
Kovacic ayaa laga waayay liiska ciyaartoyda ee kulankaas, iyadoo Nico Gonzalez uu bilaabay ciyaarta isaga oo ka ciyaaray booska lambarka lixaad ee Manchester City, halka Rodri, oo ah khadka dhexe ee ku guuleystay Ballon d’Or, uu qeybtii danbe kusoo laabtay garoomada.
Kadib guushaas, Guardiola ayaa la weydiiyay sababta Kovacic looga reebay kooxda, wuxuuna bixiyay war cusub oo walaac leh oo ku saabsan xaaladda ciyaaryahanka, iyadoo Manchester City ay toddobaadkan wajahayso kulamo waaweyn oo UEFA Champions League iyo Premier League ah oo ay la yeelan doonaan Borussia Dortmund iyo Liverpool.
“Kovacic muddo ayuu maqnaan doonaa,” ayuu xaqiijiyay Guardiola. “Weli dhibaato ayuu ka qabaa canqowga, waxaana weli jira dhibaatooyin yar yar oo halkaas ah,” ayuu yiri macallinka 54-jirka ah ee ka hadlayay xaaladda Kovacic.
Be the first to comment