Mbeumo Oo Iska Diiday Arsenal Ka Hor Intii Uuna Ku Biirin Man United.

Wararka ayaa sheegaya in weeraryahanka dhexe ee Manchester United, Bryan Mbeumo, uu diiday dalabyo ka yimid afar kooxood oo ka ciyaara Premier League — oo ay ku jirto Arsenal — si uu ugu biiro Red Devils intii uu socday suuqa kala iibsiga xagaagii hore.

Waxaa xusid mudan in Mbeumo uu dhowr bilood ka hor ku biiray Manchester United, isagoo saxiixay heshiis shan sano ah.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee reer Cameroon ayaa soo maray xilli ciyaareed cajiib ah 2024-25, isagoo u dhaliyay Brentford 20 gool iyo 7 caawin, taasoo ka caawisay kooxda tababare Thomas Frank inay ku dhameeyaan qeybta sare ee kala sarreynta Premier League.

Kooxo badan ayaa xiiseynayay weeraryahanka 26-jirka ah, oo ay ku jirto Manchester United.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegtay CentreDevils, Mbeumo waxaa uu xiiso ka helay afar kooxood oo ka tirsan Premier League — Arsenal, Tottenham Hotspur, Liverpool, iyo Newcastle United — ka hor inta uusan ugu dambeyntii go’aansan inuu ku biiro Manchester United.

Mbeumo ayaa ilaa hadda xilli ciyaareedkan bandhig heer sare ah sameynayay isaga oo caawiyay Man United in ay guulo gaadho kulamadii ugu dambeeyay.

Amorim ayaa dhawaan qirtay in Manchester United ay la kulmi doonto dhibaato iyo hoos u dhac marka Mbeumo uu ka tago Old Trafford si uu uga qeyb galo Koobka Qaramada Afrika (AFCON) bisha December.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga