Man United Oo Ceebaysay Liverpool Kuna Dhex Garaacday Anfield.

Manchester United ayaa guul qaali ah oo lama filaan ah ka gaartay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool, kadib markii ay 2-1 kaga adkaadeen ciyaar ka dhacday garoonka “Anfield”, taasoo qayb ka ahayd wareega siddeedaad ee horyaalka Premier League.

Guushan ayaa jebisay silsiladdii natiijooyinka liitay ee United ka haysatay garoonka Liverpool, maadaama guushoodii ugu dambeysay ee Anfield ay ahayd sanadkii 2016.

Ciyaarta ayaa si xooggan ku bilaabatay dhanka kooxda Manchester United, iyadoo Bryan Mbeumo uu daqiiqaddii 2aad dhaliyay goolka furitaanka, kadib kubbad uu si fiican uga faa’iideystay gudaha xerada ganaaxa, taasoo si weyn ugu farxisay kooxdiisa oo marti ku ahayd Anfield.

Liverpool ayaa isku dayday inay si degdeg ah uga jawaabto goolkaas, waxaana ay la wareegeen hoggaanka ciyaarta, ilaa uu ciyaaryahanka reer Holland Cody Gakpo keenay goolka barbaraha daqiiqaddii 78aad.

Inkasta oo Liverpool ay cadaadis joogto ah saartay kadib goolka barbaraha oo ay si weyn ugu dhawaayeen inay helaan goolka labaad, haddana daafaca Harry Maguire ayaa daqiiqaddii 84aad dhaliyay goolka guusha isagoo madax cajiib ah ka dhaliyay karoos qurux badan oo uu soo dhiibay Bruno Fernandes, taasoo kooxdiisa siisay saddex dhibcood oo qaali ah.

Guushan awgeed, Manchester United waxay kor ugu sii qaaday dhibcaha ay horyaalka ku leedahay ilaa 13 dhibcood, iyagoo haatan ku jira kaalinta sagaalaad.

Dhanka kale, Liverpool ayaa ku sii hartay 15 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta afraad, iyadoo guuldarradan noqotay middii afaraad oo xiriir ah ee ay la kulanto dhammaan tartamada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga