Sam Allardyce ayaa mar kale muran aliyay kadib markii uu sheegay in xiddigaha Joao Pedro oo u ciyaara Chelsea Iyo xiddiga Hugo Ekitike oo u ciyaara Liverpool ay ka fiicanyihiin xiddiga Arsenal ee Viktor Gyokeres.
Gyökeres wuxuu ku biiray Gunners xagaagii isagoo ka yimid Sporting, waxaana laga filayaa inuu qaado masuuliyadda dhalinta goolasha iyadoo Arsenal ay ku dadaalayso inay ku guuleysato horyaalka Premier League markii ugu horreysay in ka badan labaatan sano.
Weeraryahanka reer Iswiidhan ayaa u dhaliyay 97 gool 102 kulan oo uu u saftay Sporting wuxuuna laba jeer ka caawiyay inay ku guuleystaan horyaalka Portugal, balse wuxuu saddex jeer oo kaliya shabaqa soo taabtay toban kulan oo uu u ciyaaray Arsenal ilaa hadda.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka No Tippy Tappy Football, tababarihii hore ee xulka England, Sam Allardyce, ayaa doortay tobanka weeraryahan ee ugu sarreeya horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ilaa hadda.
Lambarka 9-aad ee cusub ee Chelsea, Joao Pedro, ayaa galay kaalinta afraad, isagoo ka sarreeya weeraryahanka Liverpool, Hugo Ekitike, oo galay kaalinta shanaad.
Liiska ayuu ku soo gunaanaday Chris Wood (lixaad), Yoane Wissa (toddobaad), Gyökeres (siddeedaad), Ollie Watkins (sagaalaad), iyo Liam Delap (tobnaad).
Tababarihii hore ee xulka England ayaa qirtay in uusan weli ku qancin in Gyökeres uu leeyahay awoodda uu Arsenal ugu horseedi karo hanashada horyaalka ay muddo dheer sugayeen.
“Arsenal weeraryahan bay u baahnaayeen, miyaanay sidaas ahayn? Way raadinayeen weeraryahan hore muddo dheer, sida kooxo badan oo kale,” ayuu yiri Allardyce.
“Ma is leeyahay wuxuu ku filan yahay inuu Arsenal u keeno horyaalka? Waa inay guuleystaan; cadaadis weyn ayaa saaran.”
Be the first to comment