
Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa shaaciyay sababta uu ugu dambeyn u ciyaarsiiyay goolhayihiisa cusub, Senne Lammens, kulankii ay la ciyaareen Sunderland Sabtidii.
Goolhayaha reer Belgium ayaa ugu dambeyn sameeyay kulankiisii ugu horreeyay ee Premier League isaga oo u ciyaaraya Manchester United, kadib markii uu kursiga keydka fadhiyay tan iyo markii uu yimid Old Trafford suuqa kala iibsiga xagaaga.
Kooxda Red Devils ayaa ku jirtay kaalinta 14aad kahor kulanka Sabtida iyadoo Amorim uu dagaal ugu jiro badbaadinta shaqadiisa.
Lammens, oo 21 jir ah, ayaa lagu qasbay inuu sugo si uu u helo fursaddiisii ugu horreysay ee uu ugu ciyaaro kooxda.
Ka hor intaanay arrintu sidaas noqon, tababare Amorim ayaa doorbidayay goolhayaha reer Turkey, Altay Bayındır, kaasoo bedelay Andre Onana kadib markii uu Onana amaah ugu wareegay Turkiga.
Bayındır ayaa ku dhibtooday inuu dadku qanciyo waxaana lagu eedeeyay qaladaad badan oo uu sameeyay kulankii ugu dambeeyay ee laga badiyay Brentford si xun.
Kadib guushii 2-0 ee ay ka gaareen Sunderland Sabtidii, tababare Amorim ayaa sharxay sababta uu go’aansaday inuu beddelo goolhayaha isla markaana uu doorto Lammens kulankaas lagula ciyaaray Black Cats.
Wuxuu yiri:
“Waa is rog-rogid. Qof walba waa inuu diyaar u noqdaa ciyaarta. Waxaan u baahnayn inaan badinno ciyaartan, cid kasta oo aan wajahno way ka duwan tahay tii hore. Waa in aan helnaa ciyaaryahanka leh astaamaha ugu fiican ee ciyaarta lagu guuleysan karo.
“Waxa muhiimka ah waa ciyaarta xigta, laakiin waxaan aragnay kulankii ugu dambeeyay inaan u baahanahay horumarin dhanka waxyaabo gaar ah oo muhiim u ah guusha ciyaaraha.”
Be the first to comment