Ballon d’Or 2025: Rodri Oo Magacaabay Afar Ciyaartoy Oo Ku Guuleysan Kara Abaalmarinta

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Spain iyo Manchester City, Rodri, ayaa magacaabay afar ciyaartoy oo sannadkan ku guuleysan kara abaalmarinta Ballon d’Or.

Rodri ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee ku guulaysta abaalmarinta isaga oo ku guulaystay abaalmarinta saandkii hore.

Kahor xafladda abaalmarinta ee bishan, wuxuu doortay labo saaxiib oo ka tirsan xulka qarankiisa oo uu u arko inay yihiin kuwa u qalma inay beddelaan.

Sida uu sheegay Rodri, Lamine Yamal iyo Pedri oo labaduba u ciyaara Barcelona, ayaa ah ciyaartoyda ugu cadcad ee ku guuleysan kara abaalmarinta.

Sidoo kale wuxuu xusay labo ciyaartoy oo ka tirsan Paris Saint-Germain oo kala ah Vitinha iyo Ousmane Dembele.

“Way adag tahay maxaa yeelay waxaan u janjeeraa saaxiibadayda kooxeed, laakiin waa inaan iraahdaa PSG ayaa ahayd kooxda xilli ciyaareedkan. Aad ayey u adag tahay in aan la malaynin in ciyaaryahan ka tirsan kooxdaas aanu ku guuleysan doonin,” ayuu yiri Rodri.

“Si kalgacal ah, dabcan, waxaan jeclaan lahaa in Lamine ama Pedri ay guuleystaan, laakiin, marka la eego qiimeynta ciyaaraha iyo xilli ciyaareedka laftiisa, waxaa noqon doona Ousmane (Dembélé) ama Vitinha.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga