
Barcelona waxay Marcus Rashford ku wargelisay inaysan wax qorshe ah u lahayn inay ku celiyaan Manchester United, waxayna weli ku kalsoon yihiin inuu noqon doono “ciyaaryahan heer sare ah” garoonka Nou Camp.
Xiddiga England ayaa ku biiray horyaalka Spain ee Barcelona heshiis amaah ah oo hal xilli ciyaareed ah horaantii xagaagan.
Rashford wuxuu doonayaa inuu helo heshiis joogto ah xagaaga dambe, iyadoo Barcelona ay hayso ikhtiyaar ay ku iibsato £30 milyan haddii ay ku qancaan bandhiggiisa.
27-jirkan ayaa si tartiib ah ku bilaabay xirfaddiisa La Liga, isagoo beddel kusoo galay labo ka mid ah saddexdii kulan ee ugu horreeyay ee Barcelona xilli ciyaareedkan.
Rashford weli wuxuu sugaa goolkiisii ugu horreeyay ama caawintiisii ugu horreysay ee kooxda waa weyn ee Catalonia, waxaana la soo jeediyay dhammaadkii usbuuca in Barcelona horey u bilaabeen inay su’aalo iska weydiiyaan go’aankii ay ku keensadeen.
Warbixino kasoo baxay Spain ayaa sheegaya in go’aan-qaadayaasha Barcelona ay ka shakiyeen bilowga Rashford ee kooxda, islamarkaana ay tixgelinayeen in dib loogu celiyo Manchester United.
Laakiin khabiirka kubadda cagta Spain, Guillem Balague, ayaa sheegay in warbixinnadaas ay yihiin ‘waxba kama jiraan’, wuxuuna daaha ka qaaday fariinta Barcelona ay u dirtay Rashford.
“Waa waxba kama jiraan sheegashada ah in Barcelona ay qorsheynayso inay si hore uga dhamayso heshiiska amaahda ee Marcus Rashford,” ayuu ku qoray X.
“Barcelona waxay u sheegtay wakiilkiisa inay kalsooni weyn ku qabaan awoodda uu Rashford leeyahay, ayna rumeysan yihiin inuu dib ugu soo laaban doono heer ciyaareed sare”
Be the first to comment