
William Saliba waxaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado muddo hal bil ah dhaawacii uu ka soo gaaray kulankii ay Arsenal guuldarada kala kulantay Liverpool ee Premier League.
Daafaca dhexe ee Arsenal ayaa kulanka ka bilaabay Anfield, balse wuxuu garoonka ka baxay kaliya shan daqiiqo kadib isagoo dhaawac kaga baxay canqowga.
Saliba waxaa lagu beddelay Cristhian Mosquera, kaas oo ciyaaray kulankiisii labaad ee Arsenal tan iyo markii uu xagaagan £13 milyan kaga yimid kooxda Valencia.
Ka dib kulanka oo Arsenal 1-0 looga badiyay, tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa yiri:
“William canqowgiisa ayuu ka dhaawacmay intii lagu jiray tababarka isku diyaarinta (warm-up), wuxuu soo galay isagoo leh wuu ciyaari karaa, laakiin wuxuu si xun ugu dhacay labadii taabasho ee ugu horreysay.”
Saliba wuxuu seegay kulankii isreebreebka Koobka Adduunka ee xulka France ay la yeesheen Ukraine fiidnimadii Jimcaha, wuxuuna sidoo kale seegi doonaa kulanka Group D ee Salaasada ay la ciyaarayaan Iceland.
Haddii wararka ka imanaya France ay sax yihiin, Saliba wuxuu seegi doonaa ugu yaraan saddex kulan oo dheeraad ah oo uu Arsenal ciyaarayso, iyadoo kooxda Gunners ay la kulmi doonto Nottingham Forest isla marka uu dhammaado fasaxa caalamiga ah.
Waxaa la filayaa in William Saliba uu seego kulanka furitaanka Champions League ee ay Arsenal la ciyaarayso Athletic Bilbao, iyo sidoo kale kulanka weyn ee Premier League ee ay la yeelanayaan Manchester City.
Kooxda Gunners ayaa kadib bilaabi doonta tartanka Carabao Cup iyadoo wajahaysa Port Vale, ka hor inta aysan u safri doonin St James’ Park si ay ula ciyaaraan Newcastle United dhammaadka bisha.
Be the first to comment