
Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa diiday saddex dalab oo uga yimid kooxaha Sucuudiga xagaagan, sida uu fahamsan yahay talkSPORT.
Fernandes waxaa si xooggan u doonaysay kooxda Al-Hilal ka hor tartanka Club World Cup, iyadoo wakiilkiisa, Miguel Pinho, uu usii duulay Sucuudiga halkaasoo uu usoo joogay usbuuc dhan kulammo uu la yeeshay masuuliyiinta kooxaha.
Waxaa muuqata in Fernandes uu go’aansaday inuu sii joogo Old Trafford inkasta oo uu helay dalabyo maaliyadeed oo weyn.
Ciyaaryahanka 30-jirka ah ayaa aad uga fikirey fursadda uu ku aadayo Sucuudiga, balse ka dib markii uu la tashaday qoyskiisa, wuxuu go’aansaday inuu ugu yaraan hal xilli ciyaareed kale sii joogo Manchester United.
Kooxda Al-Hilal weligood si rasmi ah ugama aysan dalban Manchester United, balse waxay diyaar u ahaayeen inay bixiyaan in ka badan £80 milyan haddii Fernandes uu oggolaado in uu u dhaqaaqo. Dhinacyada oo dhan waxay beeniyeen jiritaanka qodob fasaxeed (£60m release clause) oo ku jira qandaraaskiisa.
Fernandes ayaa go’aansaday in ay ka wanaagsan tahay inuu sii joogo Manchester United, maadaama sanadkan uu yahay sanad Koobka Adduunka, isla markaana ay suuragal tahay inuu noqdo ka qeybgalkiisii ugu dambeeyay ee tartanka.
Si kastaba ha ahaatee, Fernandes weli waa u furanyahay inuu mustaqbalka u wareego Saudi Arabia, iyadoo dadka ka shaqeeya heshiisyada suuqa ay weli doonayaan inay xagaaga 2026 ku qanciyaan inuu saxiixo.
Bruno Fernandes ayaa sidoo kale bartilmaameed u ahaa dalab aan rasmi ahayn oo uga yimid kooxda Al-Nassr, dhammaadkii July, sida ay wararku sheegayaan.
Kooxda Al-Nassr oo uu ka tirsan yahay Cristiano Ronaldo, ayaa la fahamsan yahay in ay xiiseynaysay laacibka khadka dhexe ee Manchester United, iyadoo Ronaldo hadda si toos ah uga qeyb qaato xulashada ciyaartoyda cusub ee kooxda, tan iyo markii uu heshiiskiisa u kordhiyay kooxda Sucuudiga ah.
Tani waxay muujineysaa sida ay kooxda Al-Nassr u doonayso in ay la soo saxiixato magacyo waa weyn, gaar ahaan kuwa xiriir dhow la leh Ronaldo.
Be the first to comment