Cucurella Oo Magacaabay Xiddiga U Qalma Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Adduunka Ballon d’Or 2025

Daafaca Chelsea, Marc Cucurella, ayaa magacaabay weeraryahanka Barcelona, Lamine Yamal, inuu yahay ciyaaryahanka u qalma inuu ku guuleysto Ballon d’Or sanadkan.

Sida uu sheegay Cucurella, 18-jirkaan ayaa u qalma inuu helo abaalmarinta sharafta leh ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan sababtoo ah waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddigaha Cucurella iyo Yamal ayaa saaxiibo ku h xulka qaranka Spain oo ay u wada ciyaaraan.

“Lamine Yamal wuxuu waxa uu soo qaatay xilli ciyaareed weyn wuxuuna u qalmaa Ballon d’Or,” ayuu yiri Cucurella oo uu soo xigtay TouchlineX.

“Xitaa haddii uusan guuleysan, weli aad ayuu u yaryahay.”

Yamal ayaa horey ugu jira liiska musharixiinta ugu horeeya ee ku guuleysan kara Ballon d’Or 2025.

Guuleystaha Ballon d’Or ee sanadkan ayaa lagu dhawaaqi doonaa dabayaaqada bishan magaalada Paris.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga