Gary Neville Oo Shaaciyay Kooxda Uu U Saadaaliyay Ku Guulaysiga Premier League Kadib Guuldaradii Arsenal.

Gary Neville weli wuxuu aaminsan yahay in Arsenal ay hanan doonto koobka Premier League xilli ciyaareedkan, inkasta  ay guuldaro 1/0 ah kala kulmeen Liverpool Axadii.

Gunners ayaa saddex xilli ciyaareed oo xiriir ah kusoo dhammeystay kaalinta labaad ee horyaalka, mana aysan ku guulaysan premier Lwague tan ilaa sanadkii 2004.

Neville wuxuu horey ugu saadaaliyay Arsenal inay hanan doonto horyaalka bilowgii xilli ciyaareedka, mana uusan beddelin fikirkiisa inkastoo ay guuldarro kala kulmeen Liverpool ciyaartii ka dhacday Anfield.

Liverpool ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, iyagoo 10 dhibcood ka sareeyay Arsenal oo gashay kaalinta labaad xilli ciyaareedkii 2024–25.

Xilli ciyaareedkan, Liverpool ayaa hoggaanka u haysa kala sareynta horyaalka iyagoo leh sagaal dhibcood, waxaana kooxda Arne Slot ay tahay kooxda kaliya ee aan laga badin horyaalka xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale, Arsenal ayaa ku jirta kaalinta saddexaad kaddib saddex kulan oo ay ciyaareen, labo guul iyo hal guuldarro ayay ka heleen.

Gary Neville wuxuu yiri: “Anigu horey ayaan ugu saadaaliyay inay horyaalka qaadi doonaan, maantana taas kama noqonayo,”

“Maya, kama noqonayo!”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga