FASHIL WEYN l Michael Owen oo usheegay Man utd iney lumisay weeraryahan weyn hadana ayka shalaayneyso

Weeraryahankii hore ee xulka Ingiriiska, Michael Owen, ayaa sheegay in Manchester United ay fursad weyn lumisay markii ay saxiixa weeraryahanka Dominic Calvert-Lewin ka baaqsadeen.

Owen ayaa aaminsan in Calvert-Lewin uu wax ka beddeli lahaa dhibaatooyinka dhanka goolalinta ee ka jira kooxda Old Trafford, gaar ahaan ka dib markii ay wax gool ah dhalin waayeen kulankii Manchester City.

Wuxuu tilmaamay in inkastoo uu ciyaaryahanku dhibaatooyin jiray dhawaan, marka uu fayoq yahay uu yahay weeraryahan adag oo khatar ah, Owen wuxuu ku dooday sababta kooxaha waaweyn sida Man United ay ugu dhiirran waayeen inay si ugu yaraan kayd uga noqdo.

Calvert-Lewin ayaa Everton si xor ah uga tagay sannadkii 2025, wuxuuna ku biiray Leeds United oo uu ka muujiyay qaab ciyaareed cajiib ah. Wuxuu xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 15 gool 39 kulan oo uu ciyaaray, halka xilli ciyaareedkan uu leeyahay 3 gool 6 kulan oo uu saftay.

Owen ayaa ku ammaanay isbeddelka weyn ee uu sameeyay, isagoo xusay in haddii uu jiro xaalad sare, una mar kasta ciyaaro isla markaana uu gaaronka dhexdiisa khatar ku yahay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga