Barcelona Oo Guul Ku Bilaabatay Difaacashada La Liga, Mallorca Ayay Garaaceen.

Kooxda Barcelona ayaa guul ku bilaabatay Difaacashada horyaalka La Liga kadib markiisa ay Garaaceen kooxda Mallorca kulan ka tirsanaa furitaanka Xilli Ciyaareerdka Cusub.

Daqiiqadii 7-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad waxan u dhaliyay xiddiga Raphinha kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Barcelona ayaa Sii waday dadaalka iyada oo awood badnayd kooxda ka Soo Hor jeeda.

Daqiiqadii 23-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Feran Torres kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Kooxda Mallorca ayaa 6 daqiiqo gudeheed looga saaray laba Xiddig kadib markii loo taagay kaadhka casaanka ah.

Daqiiqadii 33-aad ayaa kaadhka cas looga saaray xiddiga Morlanes ka Hor inta aa daqiiqadii 39-aad laga saarin Muriqi.

Qaybtii dambe ayay Mallorca ku dhamaysatay 9 Xiddig taas oo Barcelona ka caawisay in ay daqiiqadii 90+4-aad dhaliso goolka 3-aad iyada oo uu u dhaliyay xiddiga Lamine Yamal kaas oo ciyaarta ka dhigay 3//0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona guul ku bilaabatay Difaacashada horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga