
Man United ayaa si maldahan xaqiijisay lambarka uu Benjamin Sesko u xiran doono kooxda.
United ayaa xaqiijisay imaatinka weeraryahanka Slovenia ee RB Leipzig heshiis ku kacaya 66.3 milyan sabtidii.
Man United ayaa saxiixa Sesko ku garaacday Newcastle waxana lagu soo bandhigay kulankii Fiorentina ee ka dhacay Old Trafford Sabtidii.
Intii lagu jiray soo bandhigista taageerayaasha Man United ayaa arkay in uu xiddiga Sesko u xidhan doono kooxda lambark No.30.
Waa Lambar uu soo xidhay wakhtigiisii kooxaha Red Bull Salzburg Iyo Leipzig inkasta oo uu No.11 u xidho xulka qarankiisa Slovenia.
Be the first to comment