
Rasmus Hojlund ayaa hadda si toos ah loogu sheegay inuu u baahan yahay inuu baxo si uu daqiiqado u helo xilli ciyaareedkan, waxaana uu ka fiirsanayaa dookhyadiisa.
Manchester United ayaa door bideysa inay iibiso, laakiin ma aysan meesha ka saarin inay amaah ku dirto.
Ac Milan ayaa wadahadalo kula jirta Man United si ay ula saxiixato xiddiga reer Denmark.
Si kasta ha ahaatee Milan ayaa marka hore amaah ku doonaysa xiddiga ka hor inta ayna si toos ah ula wareegin xagaaga dambe.
Xiddiga Rasmus ayaa si weyn ugu dhibaatooday in uu la qabsado premier League intii uu joogay kooxda.
Be the first to comment