
Real Madrid ayaa iska diiday fursad ay kula soo saxiixan lahayd bartilmaameedka Arsenal ee Viktor Gyokeres xagaagan.
Gyokeres waxa uu raadinayaa in uu ku biiro koox cusub suuqa xagaagan isagana tago kooxda Sporting Lisbon.
27 jirkan ayaa dhaliyay 54 gool 52 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan iyada oo Sporting ku guulaystay 2 koob.
Mirror Football ayaa fahansan in Gyokeres uu doorbidayo u dhaqaaqista Arsenal oo uu ka doorbidayo koox kasta, laakiin khilaaf u dhexeeya ciyaaryahanka iyo Sporting ayaa halis galiyay heshiis kasta.
Madrid ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub waxaana loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karaan Gyokeres.
Si kasta ha ahaatee Real Madrid ayaa iska diiday heshiiska sabab la xidhiidha in uu qaali ku yahay xiddig 27 jir ah.
Be the first to comment