Salah Oo Sheegay Sababta Uu U Doonayo In Uu Ku Guulaysto Ballon d’Or

Ciyaaryahanka Liverpool, Mohamed Salah ayaa sheegay inuu doonayo inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or  dadkiisa dartood.

Salah ayaa xilli ciyaareedkan cajiib ah u ahaa Reds ilaa haatan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar ayaa dhaliyay 33 gool, waxaana uu caawiyay 23 kaliya 49 kulan oo uu u saftay kooxda Arne Slot.

Wuxuu ka caawiyay Liverpool inay ku guuleysato horyaalkeedii 20-aad xilli ciyaareedkan.

Laakiin ka haritaanka Liverpool ee Champions League iyo Carabao Cup ayaa ka hor yimid rajada Salah ee Ballon d’Or.

Isagoo la hadlayay France Football, Salah, oo 32 jir ah, ayaa yiri”ma ahan wax gacantayda ku jirta laakiin sida iska cad, maalin waxaan jeclaan lahaa inaan ku guuleysto Ballon d’Or dadkayga dartood”.

“Markaad ka timaado tuulo ku taal Masar, adigoo caruur ah, way adagtahay inaad ku riyootid Ballon d’Or”

“Waxay ahayd markii aan imid Liverpool, waxaan bilaabay inaan ka fikiro taas, laga yaabee, maalin uun… Laakiin haddii aanan ku guuleysan, xirfadeyda weli way guuleysan doontaa”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga