Lamine Yamal Oo Magacaabay Laba Garoon Oo Premier League Ah Oo Uu Jecelyahay In Uu Ka Ciyaaro

Da’yarka Barcelona ee Lamine Yamal ayaa shaaca ka qaaday inuu jeclaan lahaa inuu ka ciyaaro Anfield iyo Old Trafford.

Intii lagu guda jiray ololihii Champions League ee Barcelona xilli ciyaareedkan ma aysan wajihin kooxo Ingiriis ah.

Xiddiga reer Spain ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican wakhtigan.

Markii la weydiiyay garoommada uu jeclaan lahaa inuu ku ciyaaro, wuxuu ku jawaabay: “Waxaa jira kuwo badan oo aanan wali ka hor tagin”.

“Europe, qaar ka mid ah kuwa caanka ah ee aan jeclaan lahaa inaan ka ciyaaro waa Old Trafford iyo Anfield.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga