
Manchester United ayaa barbardhac 1-1 ah kala kulantay kooxda martida loo ahaa ee Bournemouth kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
Red Devils ayaa waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta kaga badbaaday guuldarro iyada oo dhalisay goolka bar-baraha kana badbaaday guuldaradii 16-aad ee xilli ciyaareedkan.
Garoonka Vitality Stadium ayaa marti galiyay kulanka labada kooxood ee ka tirsan wareega 34-aad ee horyaalka Premier League, iyadoo kooxda martida loo ahaa ay hogaanka ku qabatay ciyaarta daqiiqadii 23-aad waxaana u dhaliyay Antoine Semenyo, waxaana caawin ka helay saaxiibkiis Evanilson.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1/0 ay Bournemouth ku hogaaminayso ciyaarta.
waxaana qeybtii dambe ee ciyaarta ay kooxdu isku dayday inay dhaliso goolka bar-baraha aakiin kooxda tababare Ruben Amorim ayaa ku guuldareystay isku daygoodii, xitaa ka dib markii Bournemouth Evanilson uu casaan toos ah qaatay daqiiqadii 68aad, taasoo keentay in kooxdiisa ay ku ciyaaraan toban ciyaaryahan.
Kooxda Amorim ayaa ku qasbanaaday in ay sugto ilaa daqiiqadii lixaad ee lagu daray ciyaarta si uu u dhaliyo goolka barbaraha, waxaana u dhaliyay Rasmus Hojlund.
Kadib bar-barihii kooxda Man United ayaa gaadhay dhibicdii 39-aad ee horyaalka premier League iyadoo ku jirta kaalinta 14aad ee kala sareynta, halka Bournemouth ay soo gaartay 50 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta 10aad ee kala sareynta.
Be the first to comment