Matheus Cunha Oo Ka Jawaabay Xiisaha Man United U Qabto Saxiixiisa.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Wolves ee Matheus Cunha ayaa Sheegay in uu wali go’aamin mustaqbalkiisa iyada oo lala xidhiidhinayo Man United.

Xiddiga reer Brazil ayaa dhaliyay goolkiisii ​​15-aad ee xilli ciyaareedka shaqsiga ah xilli ciyaareedkan waxana qaab ciyaareedkiisu soo jiitay kooxda Man United.

“Mar walba waxaan sheegaa inaan mar walba ku faraxsanahay inaan u ciyaaro kooxdaan, mararka qaar shucuurteyda aad ayey u badan tahay sababtoo ah waxaan jeclahay inaan halkaan joogo.”ayuu yidhi.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay Man United ka shaqaynayso sidii ay ula soo saxiixan lahayd xiddiga reer Brazil.

Cunha ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxo ay ka mid yihiin Arsenal iyo chelsea kuwaas oo suuqa ugu jira weeraryahano cusub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga