
Tababaraha kooxda Barcelona ee Hansi Flick ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ku guulaysiga koobka Copa del Rey-ga Kadib markii ay 3-2 ku garaaceen kooxda Real Madrid.
Barcelona ayaa markii hore hogaanka ciyaarta qabatay, ka hor inta aysan Real Madrid dhalin labo gool.
Lixdii daqiiqo ee ugu dambeysay ee waqtiga caadiga ah, Catalans ayaa dhalisay goolka barbaraha, ka hor inta uusan Kounde dhalin goolka guusha waqtigii dheeriga ahaa.
“Xushmad badan ayaan u hayaa ciyaaryahanadeyda,” Flick ayuu yidhi.
“Maanta waxa ay ahayd ciyaar xiiso badan oo dhexmartay laba kooxood oo waaweyn”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Kooxdaydu aad ayay isugu dayday ilaa dhamaadka si ay guul u gaadho”.
Tababaraha Barcelona ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan kaliya ugu mahadcelin karaa kooxdeyda qaab ciyaareedka cajiibka ah ee ay maanta soo bandhigeen, waxay isku dayeen inay gool dhaliyaan, mana aysan quusan”.
Be the first to comment