
Kooxda Liverpool ayaa si wada jir ah u daawan doonta fiidnimada berrito ah si ay u daawato tabinta kulanka Arsenal ay la ciyaari doonto Crystal Palace iyaga oo rajaynaya natiijo ka caawisa in ay ku guulaystaan horyaalka iyaga oo aan xitaa ciyaarin kulankooda.
Axadii 1-0 ay kaga badiyeen Leicester City ayaa ka dhigtay hogaamiyayaasha in ay tallaabo qaadaan ku guulaysiga premier League.
Haddii Arsenal ay guuldarro kala kulanto Crystal Palace Reds ayaa loo caleemo saari doonaa horyaalnimada ka hor maalinta Axadda oo ay la ciyaari doonaan Tottenham.
Si kastaba ha ahaatee, Van Dijk, ayaa qirtay inuusan fileynin in Gunners ay guuldaro kala kulmi doonto Crystal Palace.
“Waxaan filayaa in Arsenal ay ku badin doonto gurigeeda, laakiin, haa, haddii aysan taasi dhicin markaas waxaan qabaa inay fiicnaan lahayd inaan isla joogno,” ayuu yiri kabtanka Liverpool.
Be the first to comment