Ciyaaryahankii hore ee Chelsea, Joe Cole ayaa u saadaaliyay Paris Saint-Germain inay ku guuleysato koobka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.
Cole ayaa aaminsan in kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee Ligue 1 ay ku taagan tahay wadadii saxda aheyd ee ay ku hanan laheyd tartanka ugu sareysa Yurub xilli ciyaareedkan.
Xiddigii hore ee England ayaa hadlay kadib markii ay PSG gaadhay Semi-final-ka champions Leageu.
Isagoo u hadlayay TNT Sports, Cole wuxuu yiri: “Dhammaanteen waan xasuusannahay kooxdii PSG ee dhowr sano ka hor”.
“Waxay ku guulaysteen koobab horyaal ah laakiin kuma guulaysan kartid tartan kan oo kale ah adigoo sidaas u ciyaaraya”
“Waxa amaan mudan dadka PSG kuwaas oo go’aansaday in y Jiho kale u dhaqaaqaan”.
“Dhammaantood waxay ku socdaan wadadii saxda ahayd, runtii, runtii, aad ayaan u jecelahay in ay ku guulaystaan champions League”.
Be the first to comment