“Waan Ka Niyad Jabsanahay Arsenal”Gallas Oo Saadaaliyay Kulanka Real Madrid Iyo Arsenal.

Daaficii hore ee kooxda Chelsea William Gallas ayaa saadaaliyay natiijada kulanka lugta labaad ee wareega 8da Champions League ee u dhaxeeya kooxaha Real Madrid iyo Arsenal.

Wareysi uu siiyay Slingo, xiddigii hore ee Arsenal ayaa amaan, walaac iyo taxadar isugu jira soo jeediyay ka hor kulanka Santiago Bernabeu.

“Eryga ciyaar weyn” waa mid si weyn xiiso leh kulanka Arsenal Iyo Real Madrid, waxa uu noqon doonaa mid weyn”ayuu Gallas yidhi.

Wiilasha Mikel Arteta ayaa faa’iido weyn haysta kadib markii ay 3/0 ku badiyeen lugtii hore kulankii ka dhacay garoonka Emirates todobaadkii hore.

Iyadoo ay taasi jirto, Gallas kuma qanacsana in kooxdiisii ​​hore ay xaqiiqdii u gudbi doonto semi-finalka, isagoo rajo xumo ka muujiyay joogtayn la’aanta qaab ciyaareedka.

“Arsenal ma haysato doorasho aan ahayn inay soo bandhigto qaab ciyaareed la mid ah midkii todobaadkii hore, Natiijadu waxay ahayd mid cajiib ah, laakiin, waxaan ka niyad jabay”.

“Kadib qaab ciyaareedkaas cajiibka ahaa ee ay ku soo bandhigtay kulankii Real Madrid waxa ay bar-bar dhac la gashay Brentford”.

“Arsenal marna kuma kalsoonaan kartid waxa ay samayn karaan, si joogto ah qaab ciyaareed fiican uma soo bandhigaan, waa in ay wareega xiga u gudbaan maadama ay 3/0 ku hogaaminayaan, muran ma jiro”.

“Groonka Bernabeu waxa uu soo saaraa jawi ka duwan garoommada intooda badan, hadii jirto koox dhinaca kale u rogi karta natiijada waa Real Madrid”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga