
Weeraryahanka Barcelona Raphinha ayaa bar-bareeyay Rikoodh Uu Dhigay Lionel Messi marka Laga hadlayo ku lug lahaanshaha goolasha xilli ciyaareed gudihiis isaga oo ku lug leh 19 gool.
Kooxda Barcelona ayaa guul weyn ka Gaadhay kooxda Dortmund lugtii hore ee 8 dhamaadka tartanka Champions League.
Ruugcadaaga Robert Lewandowski iyo da’yarka Lamine Yamal ayaa si qurux badan ula qabsaday xiddiga reer Brazil ee Raphinha, iyadoo seddexda ciyaaryahan ay dhaliyeen 74 gool oo horyaalka ah iyo Champions League.
Raphinha ayaa qudhiisa dhaliyay 12 gool waxaana uu caawiyay todobo gool kale Tartanka champions league xilli ciyaareedkan.
Xiddiga reer Brazil Ayaa bar-bareeyay Rikoodhka oo uu Dhigay Lionel Messi xilli ciyaareedkii 2011-12.
Be the first to comment