
Kooxda Valencia ayaa garaacday Real Madrid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay garoonka Bernabue.
Real Madtrid ayaa kulanka soo gashay iyaga oo u baahan in ay badiyaan si ay cadaadiska u saaraan kooxda Barcelona.
Laakiin Valencia ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo ciyaarayay weeraro waali ah oo ay ku halis galinayeen kooxda Real Madrid.
Daqiiqadii 15-aad ayay Valencia dhalisay goolka 1-aad waxana ui dhaliyay daafaca dhexe ee Mouctar Diakhaby kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Qaybta hore ee ciyaarta ayaa sidaas ku dhamaatay iyada oo Real Madrid ku dambayso ciyaarta inkasta oo ay wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal.
Daqiiqadii 50-aad ee qaybta dambe ayay Real Madri dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Vinicius Junior kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Real Madrid Iyo Valencia ayaa is dhaafsaday fursadaha iyada oo koox walba doonaysay in ay dhaliso goolka bar-baraha.
Daqiiqadii 90+5-aad ayay dhalisay kooxda Valencia goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Hugo Duro kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Valencia guushu ku raacday.
Be the first to comment