
Arsenal ayaa weli kalsooni ku qabta inay la soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Sociedad Martin Zubimendi suuqa kala iibsiga xagaaga, sida ay wararku sheegayaan.
Kooxda Mikel Arteta ayaa diyaar u ah inay bixiso 60 milyan oo euro ee lagu burburin karo qandaraaska Zubimendi ee Real Sociedad laakiin wali heshiis kama dambeys ah la gaarin ciyaaryahanka khadka dhexe.
Zubimendi ayaa ku dhawaaday in uu ku biiro Liverpool sanadkii hore laakiin waxa uu doortay in uu xilli ciyaareed kale ku qaato La Liga.
Bishii la soo dhaafay, walaaca Arsenal ayaa sare loo qaaday ka dib markii warar Spain ka soo baxay ay sheegeen in Real Madrid ay soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa Zubimendi oo ay ‘ay aad ugu dhow yihiin’ saxiixa 26 jirkaan.
Si kastaba ha ahaatee, khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday in xiisaha Madrid uu la xiriirinayo Xabi Alonso, kaasoo xiisaynaya ciyaaryahanka, welina ah musharax u taagan bedelka Carlo Ancelotti ee Santiago Bernabeu dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Alonso, si kastaba ha ahaatee, ayaa weli ah tababaraha kooxda Bayer Leverkusen, Romano ayaa aaminsan in Arsenal ay wali hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa Zubimendi
Be the first to comment