
Liverpool ayaa u dhaqaaqday in ay ku guulaysato horyaalka Premier League kadib todobaad kale oo u dhacay sidii ay doonayeen tartanka horyaalka.
Reds ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay Southampton sabtidii iyada oo ay uga mahad celinayaan qaybtii dambe ee ciyaarta Darwin Nunez iyo Mohamed Salah kuwaas oo laba gool oo rigoore ah dhaliyay.
Waxa ay Liverpool ka dhigtay in ay 16 dhibcood ku hayso hogaanka horyaalka iyo waliba kooxda ugu cad cad ee ku guulaysan karta horyaalka xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Arne Slot.
Mikel Arteta ayaa horay u sheegay inuusan waligiis ka niyad jabin ku guuleysiga horyaalka ilaa iyo inta ay macquul tahay xisaab ahaan, laakiin xitaa taageerayaasha Arsenal ayaa lumin doona rajo ka dib natiijooyinka isbuucaan.
Kadib guushii soo laabashada ahayd ee Liverpool, Arsenal ayaa dhibco ku lumisay premier League kadib markii ay bar-baro 1/1 ah la gashay Man United.
Natiijo ahaan, farqiga hadda wuxuu taagan yahay 15 dhibcood.
Arsenal ayaa hal kulan oo baaqi ah gacanta ku haysata waxana ay todobaadka dambe la ciyaari doonaan Chelsea marka ay Liverpool ciyaarayso Final-ka Carabao Cup-ka.
Imisa guul ayay Liverpool u baahan tahay si ay u hanato horyaalka Premier League?
Arsenal ayaa 10 kulan u hadhsan tahay in ay ciyaarto horyaalka Premier league xilli ciyaareedkan sidaas darteed waxa ay gaadhi kartaa ugu badnaan 85 dhibcood.
Haddii Gunners ay badiso kulamada u haray, Liverpool waxay u baahnaan doontaa 16 dhibcood oo u dhiganta shan guul iyo barbaro, sagaalkii kulan ee u haray si ay ugu guulaystaan premier League, Marka la eego farqiga goolasha sare, 15 dhibcood ayaa sidoo kale ku filan.
Hadii ay dhibcaha haatan sii kala horeeyaan Liverpool ayaa ku guulaysan doonta horyaalka kulanka ay la ciyaari doonaan Tottenham 26 Bisha Apri.
Hadii ay Arsenal badiso kulanka ay la ciyaari doonto Chelsea, Reds ayaa ku guulaysan doonta horyaalka 3 Bisha May marka ay la ciyaarayso Chelsea.
Be the first to comment