
Tababaraha kooxda Barcelona ee Hansi Flick ayaa ammaanay xiddigiisa reer Brazil, Rafinha, markii la weydiiyay suurtagalnimada in ciyaaryahanku ku guulaysan karo abaalmarinta Ballon d’Or.
Rafinha ayaa xilli ciyaareed aan caadi ahayn la qaadanaya Barcelona, isagoo dhaliyay 25 gool sidoo kale caawiye ka noqday 18 kale 40 kulan oo uu ciyaaray.
Hansi Flick oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ku Guulaysiga Raphinha ee Ballon d’Or-ka? si fiican ayuu u ciyaarayaa, wax badan ayuu na caawiyay waxana uu dhaliyaa goolal badan waanan ku faraxsanahay qaab ciyaareedkiisa”.
Raphinha ayaa wacdaro ka dhigaya xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay hogaamiso La Liga.
Be the first to comment