Andre Onana Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man United

Andre Onana waxaa ka go’an inuu sii joogo Manchester United wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Waxa Jira warar sheegaya in uu Ruben Amorim doonayo in uu helo badalkiisa xilli ciyaareedka dambe.

Onana ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkiisa liita iyo khaladaad uu sameeyay.

Waxaa lagu soo waramayaa in Amorim uu doonayo inuu bedelo Onana xagaagan si uu qeyb uga noqdo dib u dhiska kooxda laakiin, sida laga soo xigtay Manchester Evening News, ciyaaryahanka laftiisa ma doonayo inuu ka Tago kooxda.

Waxaa lagu nuuxnuuxsaday in Onana uu doonayo inuu ka sii mid ahaado United, kaasoo uu u arko “kooxda kaliya” ee uu doonayo inuu u ciyaaro. Goolhayaha ayaa dhawaan bedelay wakiilo laakiin taasi lama aaminsana in ay wax lug ah ku leedahay in uu ka tagayo Kooxda.

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga