
Kooxda Fulham ayaa iska xaadirisay wareega Quarter-Final-ka tartanka FA Cup-ka kadib markii ay dhaafeen kooxda Man United kulan rikoodhayaal lagu kala baxay.
Kulanka ayaa ku bilowday si xamaasad leh iyada oo labada kooxoodba ciyaareen ciyaar aad u fiican oo weerar ah.
Kooxda Man United ayaa maamulaysay ciyaarta inkasta oo ay ku dhibaatootay goolka hortiisa.
Kooxda Fulham ayaa dhalisay gool daqiiqadii 45+1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Calvin Bassey kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Qaybta dambe ayay Man United raadinaysay in y dhaliso goolka bar-baraha iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha.
Daqiiqadii 71-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Kadib markii ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro waxa la isla aaday rikoodhayaal si loo kala boxo.
Kooxda Fulham ayaa ku badisay 3/4 rikoodhayaal ah iyada oo ka reebtay kooxda Man United koobkii ay ku guulaystay xilli ciyaareedkii hore.
Be the first to comment