XASAASI: Maamulka Man United Oo Amorim Ku War Galiyay Lacagta Uu Suuqa Ku Gali Doono Xagaaga.

Tababaraha Manchester United Ruben Amorim ayaa wajahaya dhaqaale xadidan suuqa kala iibsiga xagaaga.

Amorim ayaa lagu wargeliyay inuu haysto kaliya 20 milyan oo euro si uu ciyaartoy ugu soo iibsado xagaaga.

Dhibaatada Man United ee dhinaca dhaqaalaha ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dambayso Go’aanka Maamulka Man United.

Dhaqaale kasta oo kale waa in Laga sameeyo iibinta xiddigaha haatan jooga kooxda si kooxda loo xoojiyo.

Amorim ayaa jimcihii yiri: “Waan ognahay waqtiga kooxda, waa inaan fahmo dhammaan dhibaatooyinkaan laakiin dhibaatada kooxdeena ma ahan mid cusub.

“Waxaad taqaanay sharciga ciyaarta cadaalada, dhibaato ayaa naga heysata halkaas waqti xaadirkaan laakiin taasi saameyn kuma yeelan karto qaabka aan u tababaro kooxda iyo isku diyaarinta kulanka soo aadan, marka diiradaydu waa taas ee maahan waxyaabaha kale.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga